Daawo muuqaalo C/raxmaan C/shakuur oo sheegay in la is hor-taagay baroor diiqdii uu Xisbiga Wadajir ku xusi lahaa dadkii lagu laayay weerarkii 17 December

17 Dec 2018 (Puntlandes) Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay tallaabadii maanta Ciidamada ammaanka ay ku hor-istaageen in Xisbigiisa uu qabto munaasabad baroor diiq ah oo ku aadan sanad-guuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii la weeraray Gurigiisa, laguna dilay qaar ka mid ah Ilaaladiisa iyo darawalkiisa.

Saaka waabarigii ayaa Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ay xireen waddooyinka magaalada, sidoo kale waxaa gawaarida gaashaaman lagu hor-geeyay Hotelka la qorsheynayay in lagu qabto munaasabadda baroor diiqda ah.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay inay la yaab ku ahayd in dowladda Soomaaliya ay maanta jid walba xirtay, si loo joojiyo munaasabadda baroor diiqda iyo xuska 17 December ee Xisbiga qaban lahaa.

Waxaa uu farriin iyo digniin u diray dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in cabsida dowladda ka heyso xisbiga iyo Hoggaanka Wadajir ay tahay taageerada shacabka ee uu Xisbigiisa heysto, waxaana madaxda dowladda uu ku eedeeyay inay sidii dhalinyaro oo kale u dhaqmayaan oo tala ka bood ah.

C/raxmaan C/shakuur oo ka hadlay baqdinta iyo saska ku jira madaxda dawladda Federaalka

C/raxmaan C/shakuur oo lka hadlay baajintii DFS ee kulankii uqaban laha & tallaabada uu qaadi doono

Puntlandes.com

About The Author