Sawirro: Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Shaaciyey inuu Markale U Taagan Yahay Doorshada Madaxweynanimo ee Dowladda Puntland 2019

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 18 December 2018 ka shaaciyey caasumadda Dowladda Puntland ee Garoowe inuu markale u taagan yahay Doorshada Madaxweynanimo ee Dowladda Puntland 2019.

Munaasbada shaacinta Musharaxnimada Madaxweynaha ayaa waxaa kasoo qayb galay qaar kamida Goleyaasha Dowladda Puntland, Guddoomiye ku xigeenada 1aad iyo 2aaad ee Golhaa wakiilada Dowladda Puntland, guddoomiyihii hore golaha wakiilada, qaarkamida isimada ugu waa weyn Dowladda Puntland, ganacsato, waxgarad , siyaasiyiin, Abwaano iyo taageerayaal aad u fara badan oo qayb ka ahaa munaasibada shaacinta Musharaxnimda Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Isimadii iyo waxa gardkii kasoo qayb galay shaacinta musharxnimada Madaxwweynaha Dowladda Puntland ee doorashada 2019 ayaa dhamaantood soo dhoweeey musharxnimda madaxweynha waxayna knaa marqaati kacay in Dowladda Puntland ee uu hogaaminayo madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ay qabatay waxqabad aad u wayn oola taaban karo, islamar’ahaantaana ayna ku bogaadinayaan waxqabdkaas aadka u balaadhan.

Dhinaca kale munaasabada shaacinta musharaxnimada Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa suugaan ku soo bandhigay waxqabadkii Dowladda sugaan yahamiin hab suugaaneed ku cabirey horumarka baaxada leh ee Puntland ku tilaabsatay 5-tii sano ee lasoo dhaafay isla markaasna ay mudan tahay in markale ay dalka hogaamiso xukuumada Daldhis iyo Daryeel.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad taariikhiya oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey munaasbada shaacinta musharxnimadiisa ayaa ka waramay waxqabdyadii u qabsoomey, kuwa qabyada ah, iyo waxa hada ay Dowladdu qorshaynayso in ay qabato hadii ay ku guulaysato hogaaminta dalka ayaa waxaa hadaladiisa kamid ahaa”

“Mudanayaal waxaan Puntland ku hoggaaminayay mudo 5 sano ah siyaasad ku dhisan dulqaad, ixtiraam iyo isu tanaasul iyo Puntland ka siman magaca, manfaca iyo maamuuska, Sidaa owgeed anoo ka faa’iideysanaya khibradii 5tii sano, waqtigii aan u helay ogaanshaha dhammaan baahida dalkeena, diiraddana saaraya waxa dhiman iyo waxa naga qaldamay, helay talooyin igu filan, ogaaday qaabka aan u abuuri karno kaabayaal dhaqaale oo hor leh, ka jawaabayana arrimihii aan ka gaabinay 5-tii sano ee hore, ayaan maanta oo taatiikhdu tahay 18 Bishii 12, 201, waxaan ku dhawaqayaa inaan u taaganahay Musharaxnimada Madaxtinimada Doorashada Dowladda Puntland ee 2019-ka.” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu Danbeyntii, markay soo idlaatay munaasbada shaacinta musharaxnimda Madaxweynaha Dowladda Puntland oo ka qabsoontay hoolka Jaamacada Bariga Africa ayaa shacabkii iyo madaxdii kasoo qayb gashay munaasbada ayaa kulan qado ah u tageen Hido Raac Restaurant, halkaas oo uu madaxweynuhu kula kulmay boqolaal kamida shacabka Caasumadda Dowladda Puntland ee Garoowe oo usoo baxay in ay ku muujiyaan taageerada balaadhan ee ay u hayaan madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

 



Puntlandes.com

About The Author