Akhriso Alshabaab oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Daacish-ta Soomaaliya

21 Dec 2018 (Puntlandes) Kooxda Alshabaab ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Kooxda Daacish ee ka howlgasha qeybo ka mid ah Soomaaliya, iyadoo loolanka u dhaxeeya labadan koox uu muddooyinkii u dambeeyay isa soo tarayay.

Afhayeenka Alshhabaab Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere ayaa ku tilmaamay Daacish inay yihiin cudur halis ah oo kansar ah.

Cali Dheere oo akhrinayay bayaan ka soo baxay Hoggaanka sare ee Alshabaab ayaa looga hadlay dhibaatooyin iyo gabood fallada Daacish ka wado Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Kooxda Daacish ee Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii tafaraaruq looga dhex abuuri lahaa gudaha Alshabaab.

Sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay inay banneysatay dhiigga Muslimiinta, gaaleysiinta dad Muslimiin ah iyo kala jebinta Muslimiinta.

Cali Dheere ayaa sheegay in Al-Shabaab ay muddo u dulqaadaneysay Daacish, isla markaana ay dulqaadkaas ka sii qaadeen madax adeeg, colaad iyo inay ku talax tagaan dulmiga ay ku jireen sida uu yiri.

“Hogaanka sare ee Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab wuxuu ku amrayaa dhamaan ciidamada Mujaahidiinta iyo wilaayaatka Islaamiga inay si adag kaga hortagaan cudurkaas dillaaga ah ee soo dhexgalay safka Jihaadka, xididadana u siibaan dulmigaas aanan geedka loogu soo gaban ee lagu doonayo in lagu majaxaabiyo mirihii jihaadka ee aan ku soo bixinay dhiiga kumanaan Shuhado ah”ayuu yiri Cali Dheere

Cali Dheere oo sii hadlayay ayaa yiri “waa inaan kansarkaas la doonayo in lagu beero safka Mujaahidiinta salka ka jarnaa, cidwalba oo ku howlan qorshahaas gurracan ee aan diinta wax shaqo ah ku lahayn waa inaan kaga hortagnaa kitaab wax hanuuniya iyo seyf u gargaarta”

Waxaa uu kaloo ku eedeeyay Daacish inay gabaad u noqotay jawaasiista waxa uu ugu yeeray maamulada ridada, isla markaana xiriir la leeyihiin sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay inay gacanta ku dhigeen dad uu ku sheegay canaasiir ka tirsan Daacish-ta Soomaaliya oo maleegayay dilal lagu beegsanayo xubno ka tirsan Alshabaab.

Puntlandes.com

About The Author