Daawo Video-Sawirro: Galkacyo oo ay ka dhacday munaasabad ballaaran oo lagu taageeray musharaxnimada Prof Gaas.

24 Dec 2018 (Puntlandes) Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ka dhacday munaasabad ballaaran oo lagu taageeray musharaxnimada madaxweyne Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweyne Prof Gaas oo madaxweyne ka ahaa Puntland 5tii sano ee dambaysay ayaa mar kale isu soo taagay inuu hanto xilkaas.

Prof Gaas ayaa waxaa lagu xusuusanayaa mudadii uu cxilka hayey inuu si isku maid ah uga fuliyey gobolada Puntland masharaariic wax ku ool ah oo ay ka mid yihiin:

    • Ceel Biyood 100 gaaraya
    • Garoomo diyaaradeed oo qaarna caalami yihiin qaarna la dayactiray
    • Wadooyin magaalooyinka Puntland dhexmara
    • Wadooyin isku xira magaalooyinka Puntland
    • Dhismayaal hay’adaha dawladdu ku shaqeeyaan oo faro badan sida wasaarado, Cisbitaalo, iskuulo, Madatooyooyin….
    • Biyo xireeno badan
    • Hirgelin iyo casriyey Dekeddo
    • Iyo qaar kale oo badan




Puntlandes.com

About The Author