Akhriso Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dib u habeyn ku sameeyay xubnihii Guddiga Maaliyadda

26 Dec 2018 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa dib u habeyn ku sameeyay xubnihii Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda, kuwaasoo dhowaan soo bandhigay warbixin miisaaniyadeedkii ka hadleysay musuq maasuq iyo wax is daba marin lagu sameeyay Miisaaniyadda sanadka 2018.

Wareegto ka soo baxday Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa waxaa is bedel lagu sameeyay xubnaha Guddiga, iyadoo laga saaray xubnihii Guddoonka Guddiga, iyo qaar ka mid ah xubnaha Guddiga.

Is bedelka Guddiga ayaa ka dambeysay cadaadis Xukuumadda waday oo ugu horeyn ku guuleysatay inay kala qeybiso xubnaha Guddiga, iyadoo dadaal badan ku bixisay in dhammaan Guddiga la kala diro.

Waxaa Guddiga lagu soo daray xubno cusub oo ku jiray Guddiyo kale, iyadoo laga saaray Guddoomiyihii hore ee Guddiga Maaliyadda Cali Caliyow, Guddoomiye kuxigeenka Maxamed Soomaali iyo Xoghayihii Guddiga C/llaahi Maxamed Nuur iyo xubno kale.

Hase ahaatee waxaa Guddiga xubin ka ah Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, C/risaaq Dheere iyo C/xakiin Macalin Axmed oo ka mid ahaa xubnihii Guddiga Maaliyadda hormuudka u ahaa.

Sidoo kale waxaa Guddiga lagu soo daray xubno kale oo ay ka mid yihiin oo loo arko inay u janjeeraan Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Lama sheegin halka loo bedelay xubnahaas oo sida muuqata Guddiga laga saaray, loona wareejiyay Guddi kale, waxaase muuqata in Guddoomiye Mursal uu aqbalay cadaadiskii Xukuumadda ka imaanayay ee ahaa in la kala diro Guddiga ama xubno ka mid ah oo Xukuumadda u arkayay caqabad in laga saaro.

Khilaafka Guddiga Maaliyadda la geliyay iyo faragelinta Xukuumadda ku heysay ayaa sabab u ahaa inuu Kulamada Baarlamaanka hakad galo.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa faray Guddiga inay soo gudbiyaan miisaaniyad sanadeedka 2019, isla markaana la horkeeno baarlamaanka 30-ka bishan, si cod loogu qaado.



Puntlandes.com

About The Author