Sawirro: Lafta Gareen maanta Xilka madaxweynaha KG la wareegay

26 Dec 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha maamul goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Laftagareen ayaa maanta si rasmi ah ugala wareegay xilka Madaxweynaha Koofurgalbeed guddoomiyaha Baarlamaanka Koofurgalbeed Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye oo si kumeel gaar ah u hayay madaxtinimada koofurgalbeed.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofurgaleed C/dir Shariif ayaa hayay xilkaan tan iyo markii uu is casilay Madaxweynihii hore ee Koofurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan horaantii bishii aynu ka soo gudubnay.

Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed,sidoo kalena ahaa sii haayaha Xilka Madaxweynaha ayaa sheegey in maanta si rasmi ah Xilka ugu wareejiyay Madaxaweynaha laftagareen.

Kulanka xil wareejinta ayaa waxaa uu ka sheegay Madaxweynaha cusub ee Koofurgalbeed Laftagareen in uu muhiimadda 1-aad uu siin doono Amniga Guud ee deeganada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Hase yeeshee illaa iyo hadda ma jirto munaasabad caleemo saar ah oo loo qabtay Madaxweynaha cusub ee Koofurgalbeed iyadoo la aaminsan yahay in uu xilkan ku helay taageerada ay siisay dowlada Federalka.

Inkastoo uu maanta xilka la wareegay ayuusan weli ka hadal Madaxweyne Laftagareen mowqifkiisa ku aadan golaha ay ku mideysan yihiin madaxda maamul goboleedyada Galmudug, Puntland,Jubbaland iyo Koofurgalbeed.


Puntlandes.com

About The Author