Qaramada Midoowday oo sheegtay in labo shaqaale ka mid ah ku dhaawacmeen weerarkii madaafiicda

01 Jan 2019 (Puntlandes)  Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Heysom ayaa  cambaareeyay weerarkii madaafiicda ahaa ee maanta lagu qaaday Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

“Toddobo madfac ayaa ku dhex dhacday gudaha saldhigga Xalane waxaana ku dhaawacmay labo ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo hal  ruux oo qandaraasle ah balse ma aha kuwo halis gelinaya noloshooda.”ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray ergeyga Qaramada Midoobay.

“Weerarka aan tooska ahayn ee lagu soo qaaday Xarunta weyn ee Qaramada Midoobay waxa uu ku yahay xadgudub sharciga caalamiga ah ee bani’aadananimada,waxana aan si adag u cambaareynayaa falkan gardarada ah ee lagu soo qaaday shaqaalaheena.”ayuu yiri Mr Haysom.

“Ma jiro wax qorshe siyaasadeed ah oo laga lahaan karo in lagu xadgudbo shaqaale hay’ado caalami  u shaqeynayo kuwaasoo taageeraya sidii nabad loo soo celin lahaa loona xoojin lahaa hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya,Waxan u rajeynayaa caafimaad deg-deg ah shaqaalaha ku dhaawacmay weerarkan.”ayuu sii raaciyay Mr Haysom.

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarka madaafiicda ah.

Puntlandes.com

About The Author