Somaliland oo kasoo hor jeesatay eryida Nicholas Haysom

02 Jan 2019 (Puntlandes) Somaliland ayaa kasoo horjeesatay mowqifka ay dowlada Federalka Soomaaliya ku erisay ergeygii gaarka ahaa ee Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya Nicholas Haysom taasoo ay ku amartay in uu dalka isaga baxo.

Qoraal ka soo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in ergeyga Qaramada Midoobay uu howl wanaagsan qabtay mudadii koobneyd ee uu howsha ku jirey ayna ka xun yihiin habka ay dowlada federalka ula dhaqantay.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu xusay in Maamulka Somaliland uusan quseyn go’aanka ay gaartay dowlada federalka Soomaaliya.

Akhriso qoraalka ka soo baxay Somaliland

Puntlandes.com

About The Author