DEG DEG: CIIDANKII FARMAAJO OO KUSOO FOOL LEH GAROWE

03 Jan 2019 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay akhristayaasheeda la wadaagaysaa XOG rasmi ah oo aanu ka helnay ilo lagu kalsaoon yahay, taas oo ku saabsan Qas wadayaal isku biirsaday burburinta Puntland.

Madaxweynaha dawladda Federaalka mudane Maxamed Cabdulaahi farmaajo iyo Rai’iisul wasaarihiisa Khayre ayaa iyaga oo adeegsanaya  wasiiro ka tirsan dawladda Federaalka oo kasoo jeeda Puntland, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal Faroole iyo Cali Xoosh iyo Kooxda Aaran Jaan ayaa bilaabay burburintii Puntland ee awalba la filayey.

Sida aynu ognahay waxaa Farmaajo iyo Khayre carqaladeeyeen, baabi’iyeen, hor istaageen rabitaankii dadwaynaha dawlad goboleedka KG.

Huwantan ayaa waqtigan xaadirka ah ku hawlan qaban qaabadii u dambaysay oo lagu carqaladaynayo ama lagu qasayo doorashada dhawaan ka dhacaysa Puntland.

Wasiirada dawladda federaalka ee Puntland kasoo jeeda ayaa kala ah:

  • Wasiir Axmed Cawad
  • Wasiir Cabdulaahi Bidhaan
  • Wasiir Maxamuud Xayir
  • Wasiir Cabdulaahi Bile

Wasiiradan ayaa caawa waxay la leeyihiin Farmaajo kullankii ugu dambeeyey oo uu dhaqaalihii lagu burburin lahaa  dadka reer Puntland ugu wareejinayo, uuna ku siinayo awaamiirta iyo sidii ay u fulin lahaayeen raboitaanka Nabad iyo Nolol, sida ay xog rasmi ah ku heshay Warbaahinta Puntlandes.

Xogta ayaa waxay sheegaysaa inay farmaajo iyo Khayre qorsheeyeen inay wasiiradu u duulaan Garowe maalinta berri ah oo jimce ah kuna beegan 4ta Jan 2019ka oo ay dhacayso daarashada Gudoonka baarlamaanka Puntland ama sabtida.

Waxay kale oo Warbaahinta Puntlandes ogaatay in Farmaajo iyo Khayre ku wargeliyeen Fahad Yaasiin inuu u diyaariyo wasiirada cutubya ciidan ah, kuwaas oo diyaaradu dharw jeer usoo noqnoqon doonto.

 

Dhanka kale waxaa sidaas si le’eg qawlaysatada aan dal iyo dad u naxayn ee la magac baxay beesaan wataa, intooda garowe ku sugan sida Faroole iyo Cali Xoosh iyo kooxda aaran Jaan oo ka wadaa caasimadda Puntland ee Garowe qaban qaabo ay ugu diyaarinayaan Ciidan beeleed.

 

DIGNIIN SHACABKA PUNTLAND

Puntland waa 20 jirsatay, waxaana isku soo bedelay madaxweynayaal kala duwan, si doorasho aan dhib lahayn oo qori isku dhiib ah ku wada dhamaatay.

Hadaba maxaa ku soo kordhay maanta Puntland oo ay kaga duwan tahay sidii hore?  Qof walba oo reer Puntland ahoow is waydii?

  • Waa caddahay in la rabo in carqalad iyo nabadgelyo xumo laga abuuro Puntland
  • In Puntland doorashadeeda la carqaladeeyo
  • In shacabka reer Puntland oo walaalaha ah la isaga horkeeno qaab beeleed, sida sawirka muujinaya gaar u sheegashada caasimadda Puntland ee Garowe

Hadaba waxa aan shacabka walaalaha ah ee reer Puntland kula dardaarmaynaa inaysan yeelin dhaqankii lagula dhaqmay Koonfur Galbeed ilaashadaana dawladdooda sidii ay usoo ilaashadeen 20kii sano ee lasoo dhaafay.

 

Puntlandes.com

About The Author