Dhoobo-daareed oo ku guulaystay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland

04 Jan 2019 (Puntlandes)  Xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobo-daareed) ayaa ku guulaystay doorashada guddoomiyaha Golaha wakiilada dowladda Puntland, isagoo cod aad u badan uga guulaystay musharixiintii la tartamaysay.

Wareegga labaad ee doorashada guddoomiyaha ayaa waxaa ku tartamay laba murashax oo kala ahaa Dhoobo-daareed iyo Cabdi-jamaal Cismaan Maxamed, kuwaasoo ka soo gudbay wareeggii kowaad.

Dhoobo-daareed ayaa wareegga labaad helay 43-cod halka Cabdi-jamaal uu helay 23-cod sida uu shaaciyay guddoomiyaha GKMG ee Baarlamanka,Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye.

Dhinaca kale,doorashada guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha wakiilada oo ay ku tartamayan dhowr murashax ayaa goor dhow bilaabanaysa.

Puntlandes.com

About The Author