Dhagayso: Wasiirka Arimaha dibadda dawladda Federaalka oo goodiyey inaan loo diidi karin Garowe

05 Jan 2019 (Puntlandes) Wasiirka Arimaha dibadda dawladda Federaalka Amxed Ciise Cawad ayaa ka hadlay diidmadii ay dawladda Puntland u diiday wasiirada dawladda Federaalka iyo shaqaalaha madaxtooyadda Soomaaliya inay yimaadaan Puntland inta lagu gudo jira doorashooyinka Puntland.

Cawad oo la waydiiyey haddii ay carqalad ku tahay amniga gobolka sababtay ay u tagayaan Garowe waxa uu ku jawaabay inay dadka gobolka, Isimada iyo waxgaradku ay doonayaan inay u taagan ayna tagayaan halkaas.

Wasiir Cawad ayaa sheegay inay tagayaan Garowe aysan jirin cid ka horjoogsan karta, isagoo sheegay inaysan ku tagayn iyagoo ah wafti dawladeed laakiin ay tagayaan iyagoo u Garowe.

Wasiirka oo la waydiiyo musharaxa ay taageerayaan ayaa ku jawaabay inay niyada qof ka taageeri karaan laakiin aan loo diidi karin wadankooda inay tagaan.

Wasiirku ma sheegin goorta ay tagayaan inkastoo doorashada ay naga xigto labo maalmaad oo qura ayna qabsoomayso 8da jan 2019ka oo ku beegan talaada soo socota.

Dhagayso waraysiga Wasiirka

Puntlandes.com

About The Author