Wafdi laga soo diray Villa Somalia oo loo diiday inay tagaan Garowe

06 Jan 2019 (Puntlandes) Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa muddo dheer ku xayiran wafdi Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka oo loo soo diray inay carqaladeeyaan doorashada Puntland.

 

Dadaalo ay wadeen qaar ka mid ah Isimada Puntland iyo C/raxmaan Faroole oo ah Senator ka tirsan aqalka Sare oo ku doonayeen in wafdigu yimaado Garowe ayaan guulaysan.

Madaxweyne C/weli Gaas ayaa diiday inay Garowe ka soo degaan wasiiradda dowladda Federaalka, si aysan u faragelin doorashada dhaceysa maalinta Talaadada ee soo socota oo taariikhda ku beegan 8 January.

Wafdiga dowladda Federaalka ayaa doonaya inay qas iyo qalaase ka sameeyeen Garowe sidii ay uga sameeyeen Baydhabo.

Go’aanka dawladda Puntland ku mabnuucday dawladda Federaalka ayaa wuxuu quseeyaa wasiirada iyo shaqaalaha madaxtooyada Soomaaliya., waxaana Garowe ku sugan Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka oo laga soo doorto Puntland.

Puntlandes.com

About The Author