Sawirro: Madaxweynaha Jubaland & wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose

07 Jan 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow gaaray Magaalada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha ayaa safar uu uga gol leeyahay abaabulka iyo dardar galinta howlgalka xoraynta Gobolka Jubbada Dhexe waxaa uu ugu yimid Ciidamada Dowlada ee ku sugan Afmadow iyo deeganada ku xeeran si uu u dhiri galiyo ulana qaybsado duruufta ay ku shaqaynayaan.

Inta uu Madaxweynahu halkan joogo waxaa kale oo u la kulmi doona qaybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in hadafka socdaalkiisu uu yahay xoraynta Caasimada Jubbaland ee Bu’aale isagoo ay wehelinayaan masuuliyiintii Gobolka ee dhawaan la magacaabay dadweynaha ayuu ugu baaqay in ay ka qayb qaatan howlgalka socda oo ay garab istaagan Ciidamada geesiyaasha ah ee u taagan xoraynta dalka.

 


Puntlandes.com

About The Author