Siciid Deni oo loo doortay madaxweynaha dowladda Puntland ee 2019-2023

08 Jan 2019 (Puntlandes) Siciid Cabdullaahi Deni ayaa loo doortay madaxweynaha dowladda Puntland ee 5-ta sano ee soo socota,kadib markii uu 35-cod ka helay wareeggii seddaxaad ee doorashada.

Asad Cismaan Diyaano oo kula tartamayay wareegga saddexaad ayaa isna helay 31-cod

Weli waxaa harsan doorashada madaxweyne ku xigeenka oo goor dhow bilaabaysa.

Doorashada madaxweyne ku xigeenka waxa ku tartamayaa 11 murashax oo uu ku jiro Cabdixakiin Camey oo hore kursigan u fadhiyay.

Puntlandes.com

About The Author