Madaxweynaha Jubaland oo hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee loo doortay dowladda Puntland

08 Jan 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee loo doortay dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Sidoo kale madaxweynaha Jubaland ayaa bogaadiyay mudanayaasha Baarlamanka Puntland oo uu ku ammaanay in ay xaqiijiyeen in doorasho xalaal ah ay ka dhacdo Puntland.

Mudane Axmed Madoobe ayaa shacab weynaha Puntland ugu baaqay in ay garab istaagan madaxweynaha cusub,islamarkaana wadajir iyo midnimo muujiyaan.

 

Puntlandes.com

About The Author