Daawo Banaanbaxayo ka dhan ah Damul-Jadiid & Aaranjaan Oo ka dhacay Magaalooyinka waa weyn Ee Puntland kaddib Doorashadii Maanta.

08 Jan 2019 (Puntlandes) Magaalooyinka Bossaso, Gaalkacayo, Baran, Qardho, Garowe, Buurtinle, Dhahar, ayaa Maanta waxaa hareeyay Banaanbaxayo looga soo Horjeedo Madaxweynaha Aaranjaan Iyo Damul-Jadiid ay Maanta Puntland ku qabsadeen.

Banaanbaxayadaan ayaa watay Rabashado Xili Shacabkii Maanta Banaanbaxayay ku dhowaaqayeen Damul-Jadiid Iyo Aaranjaan ha dhaceen.

Waxaa sidoo kale soo baxaya Banaaabaxayo lagu Taageerayay Madaxweynaha Cusub Ee Puntland Siciid Dani Oo ka dhacay Hargeysa Iyo Ceerigaabo kuwaasoo ujeedoodu ahayd in Puntland lagu Taageeray Hogaamiye aan Ciidan ahayn isla-markaana Aaminsan Afkaarta Abdirixmaan Faroole Ee Soomaaliland Jaceylka Iyo Xuduuda Puntland Ee Yoocada.

Madaxweynaha cusub ee Puntland, Maxamuud Shido (Aaran Jaan) & ina Faroole oo isku hambalyeynaya

Warar hoose ayaa sidoo kale sheegaya in Shirkadda Dahabshiil ay Xalay bixisay Lacag dhan 2-Million Oo Doolar Oo ay baxsheen Labo ganacsato ah Oo kale ah Ina Aw-Siciid Oo leh Mulkiilaha Shirkadda Internetka Dhulka hoos mara Ee Somcable Oo isugu doonayay in Qandaraaskii lasiiyay Shirkadda Goolis la buriyo laguna Wareejiyo Dahabshiil Iyo Somcable.

Lacagtaas Soomaaliland ka timi ayuu bixiyay Ninka lagu Magacaabo Xassan Waaqle Oo ah Dilaalka Dahabshiil Group Oo u Qaabilsan Ololayaaaha Doorashooyinka Gobolada Soomaaliya.

Isku soo wada duub Is-Gaashaambuureysigaan dhex maray Soomaaliland, Damul-Jadiid Iyo Aaranjaan ayaa la Saadaalinayaa in uu Puntland ka dhex Alooso kala qeybsanaan Dadweyne Xili Kooxda Aaranjaan lagu bartay Naceyb ka dhan ah Gobolka Bari Iyo Reer Bari.

Daawo Bobaso oo laga mudaharaaday doorashada madaxweymaha Puntland Said Dani

Galkacyo oo aan laga soo dahawayn doorashada madaxweymaha Puntland Said Dani

Puntlandes.com

About The Author