Daawo Somaliland hambalyo kal & laab ah u dirtey Madaxweynaha cusub ee loo doortey Puntland Siciid Cabdulaahi Deni

08 Jan 2019 (Puntlandes) Somaliland ayaa hambalyo kal iyo laab ah u dirtey Madaxweynaha cusub ee loo doortey Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ka dib markey sheegeen si nabadgalyo ah inay ku dhacdey doorashadii maanta.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka Faysal Cali Waraabe oo ka mid ahaa masuuliyiinta Somaliland ee ku hanjabi jirey ciidamada Somaliland inay qabsan doonaan Caasimadda Puntland ee Garowe ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay guusha Siciid Cabdulaahi Deni.

Dhinaca kale ma jirin habayaraatee shacabka Puntland taageero iyo dabaaldegyo ay u muujiyeen doorashada hogaanka sare ee Puntland waxaana muuqata niyad jab xoogan oo shacabka reer Puntland ka muujinayaan sidey maanta wax u dhaceen.

Hambalyadda Masuuliyiin ka tirsan Somaliland ayaa kusoo beegmaysa xilli maanta ay ka dhaceen qeybo ka mid ah magaalooyonka Puntland mudaharaadyo looga soo horjeedo in loo doorto hogaanka maamul ee Puntland Madaxweyne Siciid Deni oo dadweynuhu u arkaan shaqsi maamulkiisu ku shaqeyn doono hanaan kooxeysi ama xulufeysi.

Faysal Cali Waraabe oo kashifay inay wadashaqaynayaan MD Cusub Puntland Said Deni

Puntlandes.com

About The Author