Madaxweynaha cusub ee Dawlada Puntland oo booqday qasriga madaxtooyada ee magaalada Garowe kulana kulmay madaxweynaha xilka ka degaya Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

09 Jan 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha cusub ee Dawlada Puntland Dr Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta booqday qasriga madaxtooyada ee magaalada Garowe isaga oo halkaas kula kulmay madaxweynaha xilka ka degaaya Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Madaxweyne Deni waxaa qasriga madaxtooyada kusoo dhaweeyey madaxweynaha xilka kasii degaya madaxweyne Dr Gaas iyo mas’uuliin kale.

Booqashada Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa kusoo aadaysa xili ay xukuumadii hore diyaarinayso sidii ay xilka ugu wareejin lahayd Dawlada cusub ee talada la wareegtey.

Doorashadii Puntland ayaa muujisay bisaylka iyo ilbaxnimada umadda Puntland, waxaana doorashadan amaanay dhamaan umadda Soomaaliyeed iyo Dawlado caalami ah.

Puntlandes.com

About The Author