Sawirro: Madaxweynaha cusub ee Puntland oo kullan la yeeshay kuxigeenkiisa & gudoonka Baarlamaanka Puntland

09 Jan 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kullan la yereshay Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo), guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame iyo guddoomiye kuxigeenka labaad ee baarlamaanka Puntland Cabdicasiis Cabdillaahi Cismaan.

Kullanka ayaa oo ka dhacay hoyga uu Garowe ka degen yahay madaxweynaha cusub ayaa ku saabsanaa masuuliyadaha iyo shaqooyinka horyaalla madaxda cusun ee dawladda Puntland oo ay u dambeeyey madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo shalay la doortay hogaaminayana Puntland muddo 5 sano ah 2019-2023.


Puntlandes.com

About The Author