Dhagayso: Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka hadlay dhulka ay Somaliland haysato, xiriirka dawladda Federaalka, golaha Iskaasahiga dawlad goboleedyada iyo arimo kale.

09 Jan 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni oo shalay oo ay taariikhdu ahayd 8dii jan 2018 loo doortay inuu hogaamiyo Puntland muddo 5 sano ah 2019-2023 ayaa waraysigii u horeeyey siiyey idaacadda BBC, wuxuuna uga hadlay gobolka Sool oo ay Somaliland xoog ku haysato, xiriirka dawladda Federaalka, golaha Iskaasahiga dawlad goboleedyada iyo arimo kale.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay Somaliland kusoo xadgudubtay dhulka Puntland ayna tahay inay isaga baxdo wuxuuna yiri “anaga iyo maamulka Somaliland muran dhuleed nagama dhaxeeyo, laakiin waxay kusoo xadgudubtay dhulka Puntland”

Dr Deni oo ka hadalay xiriirka Puntland iyo dawladda Federaalka ayaa sheegay inuusan rabin inay wiiqanto awooda dawladda Fedraalka maadaama ay Puntland dhismaheeda naf iyo maalba u hurtay.

Deni ayaa hoosta ka xariiqay in marxaladda ay hadda dawladda Federaalku ku jitro ay tahay dib u dhis dowladdeed, isagoo sheegay inay dastuurku uu yahay qabyo dalkuna uu kasoo baxay nidaam ay dawlad dhexe taliso, nimaadka federaalkana inuu wali qabyo yahay.

Madaxweyne Deni oo wax laga waydiiyey dhismihii golaha Iskaashiga dawlad Goboleedyada ayaa sheegay in dastuurku dhigayo in dawlad goboleedyadu iskaashadaan wixii dano ah oo ka dhaxeeya.

Daeni ayaa yiri isagoo  ka hadlaya Golaha “dawladnimada waa waxa dadku ku heshiiyaan iyo dastuurka, wax walba oo dastuurku na farayo waa ku dhaqmi doonaa, wax walba oo ay Puntland gaar u leedahayna waa ilaalin doonaa, wax walba oo ay dawladda Soomaaliyeed wadaagtana waaa ka wada shaqayn doonaa”

Dhagayso waraysiga madaxweyne Dr Deni

Puntlandes.com

About The Author