Sawirro: Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr, Siciid Cabdullaahi Deni oo shir guddoomiyey shirka golaha xukuumadda Dawladda Puntland

10 Jan 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta 10 Jan, 2019 waxa uu si rasmi ah u shir guddoomiyey shirka golaha xukuumadda Dawladda Puntland.

Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan, madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ee Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey.

Shirka ayaa looga hadlay marxaladda kala guurka ah iyo sidii loo amba-qaadi lahaa Horumarka Puntland.

Madaxweyne Deni inkastoo uusan xilka weli la wareegin hadana waa markii labbaad oo uu booqdo qasriga madaxtooyada.

Dhanka kale Madaxweyne Gaas ayaa umadda Puntland, Ciidamada qalabka iyo shaqaalaha Dawlada ugu baaqay inay garab istaagaan Dawlada cusub ee xukunka Dalka la wareegtey.


Puntlandes.com

About The Author