Xaqiiqda ku qorasoon arinta Bangiga Dhexe

12 jan 2019  (Puntlandes) Mudo 4 bilood ka hor ah ayaa la shaaciyey in loo tartamayo, waxaa soo codsaday 150 qof oo Soomaali iyo Ajaanib ah. Is reeb reeb dheer ka dib waxaa aakhirkii isugu soo haray 5 qof oo Soomaali ah oo kala ah:

  1. Prof. Hodan Ciise (Xubin ka tirsan Gudiga Bangiga Dhexe)
  2. Cawil Sulayman ( Wasiir Hore)
  3. Dr. Xusein Khalif (Khabiir 30 sano ka shaqayey Bagiyo Caalmai ah)
  4. Dr. Cabdirisaaq ( lataliye sare oo ka tirsan hada bangiga dhexe)
  5. Dr. Cabdiqafar ( La taliye sare ee Bangiga Aduunka)

3 ka mid ah waxay ka soo jeedaan Puntland halka labada kale ay ka soo jeedaan Jubaland. Waxaa kale oo jira in 3 ajanabiga ah uu mid ka mid ah yahay Kenyaan u dhashay beesha Fahad, sidaas daraadeed lagu jaha wareerin dadka ninka cadaanka si loo qaato ninkaas Kenyaan ka ah.

Horay ayaa looga quustay in Musuq Maasuq lagu dayo Yusur Abraar, waxaa isna laga quustay Bahsiir Ciise in la musuq maasuqo lacagta dalka, waxa kaliya oo la raadin waa sidii dalkaan loo dhici lahaa, loona heli lahaa cid la dhacda kooxda Villa Soomaaliya.

Puntlandes.com

About The Author