Goormuu xafiiska la wareegayaa madaxweynaha cusub ee Puntland?

13 jan 2019  (Puntlandes) Madaxweynaha cusub ee dawladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo 8dii bishan loo doortay xilka madaxweynenaha Puntland ayaa lagu wadaa in uu si rasmi ah u la wareego xafiiska madaxweynaha Puntland ama madaxtooyada.

Madaxweynaha cusub waxaa maalinta berri ah oo ku beegan 14-ka bisha Jan. la qorsheynayaa in ay dhacdo xafladd uu xilka kula wareegayo madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdulaahi Deni.

Madaxweyne Siciid ayaa xafiiska kala wareegi doona Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo xilka hayey muddo  5-sano ah.

Madaxweynaha dhawaan la doortay Siciid Cabdulaahi Deni ayaa kadib marka uu si rasmi ah ula wareego xilka madaxweynenimo waxaa intaa kadib looga fadhiyaa in uu soo dhiso xukuumad cusub iyadoona si weyn loo dhowrayo nooca xukuumadda ee uu soo dhisi doono iyo shaqsiyaadka kasoo dhex muuqan doona.

Puntlandes.com

About The Author