Madaxweynaha Puntland oo joojiyay canshuur dhaaf loo sameyn jiray Hay’adaha dowliga iyo kuwa gaarka ah

Filed under: Wararka maanta |

13 jan 2019  (Puntlandes) Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu joojiyay cashuur dhaaf iyo cashuur dhimis loo samayn jiray hay’adaha dawladda iyo kuwa aan dawliga ahayn.

Digreetada oo si toos ah lagu ogeysiisay wasaarada Maaliyadda, Hay’adaha dowladda, kuwa Caalamiga iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 13-ka bisha Janaayo lagu joojiyay canshuur dhaafkii iyo canshuur dhimistii loo sameyn jiray Hay’adahan.

Ugu dambeyn digreetada ayaa lagu faray cidda ay khuseyso in sida ugu dakhsiyaha badan ay u fuliyaan awaamiirtan kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland.

Puntlandes.com