Golaha Shacabka oo ansixiyay wax ka bedelka Xeerka Bangiga Dhexe

14 Jan 2019 (Puntlandes) Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa goor dhow ansixiyay xeerka wax ka bedelka Bangiga Dhexe, kaddib dood kulul oo ay ka yeesheen xeerkaas oo ay soo gudbisay Golaha Wasiirada oo horay u soo ogolaaday.

158 Xildhibaan ayaa ansixiyay, halka 17 ay diiday, taasoo ka dhigay in xeerkii ay Xukuumadda u ololeyneysay la ansixiyay.

Qodobka wax ka bedelka ayaa dhigaya in Xilalka sare ee Bankiga ay qaban karaan cid kasta oo ugu dhibca saraysa dadka doonaya, taasoo ka dhigan cid walba ay xilkaas qaban karto, iyadoo aan loogu eegeyn Jinsiyaddiisa.

Intii ay socotay Dooda Xeerka ayaa waxaa qaar ka mid ah Xildhibaanada ay ku tilmaameen inuu yahay xeerkan mid qiyaano qaran ah oo la baal marayo qiimaha muwaadinka uu leeyahay, isla markaana ajnabiga laga doortay.

Wax ka bedelka xeerka Bangiga Dhexe gaar ahaan lambarkiisa 130aad ayaa ka dhigan in Bangiga Dhexe uu madax ka noqon karo shaqsi ajnabi ah, kuna imaan doona xeer loo cuskanayo xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe, kaasoo ay in qof kasta oo ugu dhibco sareeya, karti ahaan, aqoon ahaan iyo hufnaan uu noqonayo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe.

Puntlandes.com

About The Author