Baarlamaanka Puntland oo Golaha Xukuumadda uu soo dhisi doono Madaxweyne Deni u ansixin doono mid-mid

14 Jan 2019 (Puntlandes) Baarlamaanka Puntland ayaa maanta ansixiyay ajandaha ay ku shaqeyn doonaan kalfadhiga 43-aad, kaas oo ka kooban dhowr qodob uuna ka mid yahay in Golaha Xukuumadda uu soo dhisi doono Madaxweyne Deni loo ansixin doono mid-mid, iyadoo horey loo ansixin jiray si wadar

Xeerkan ayaa laga yaabaa in uu keeno in qaar kamid ah Golaha Xukuumadda ee la soo dhisi doono ay kalsooni ka heli waayaan Baarlamaanka Puntland.

Sidoo kale ajandaha ay maanta ansixiyeen Baarlamaanka Puntland waxaa kamid ah ansixinta miisaaniyadda sanadkan 2018, si ku meel gaar ah muddo saddex bilood ah inta laga soo gudbinayo miisaaniyadda 2019, ansixinta barnaamij siyaasadeedka Xukuumadda cusub iyo xaalada amniga.

Baarlamaanka Puntland ayaa dhawaan la horkeeni doonaa Xukuumadda uu soo dhisi doono Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni.

Puntlandes.com

About The Author