Daawo Video: Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland oo xilka si rasmi ah ula wareegay

14 Jan 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa maanta xilka kala wareegay madaxweynihii hore,Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) iyo ku xigeenkiisi Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar(Camey).

Munaasabad lagu qabtay xarunta madaxtooyada ayaa madaxda cusub kula wareegtay hoggaanka dowladda Puntland ee 5-ta sano ee soo socota,waxaana si wadajir ah halkaasi hadal uga jeediyay madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Gaas iyo madaxweynaha cusub Siciid Deni.

Mudane Cabdiweli Gaas oo hadalka ku hormaray ayaa mas’uuliyiinta dowladda iyo shacabka ka dalbaday in ay si buuxda u la shaqeeyaan madaxda cusub,isagoo sidoo kale cafis weydiistay cid kasta oo wax ka tabanaysay mudadii uu xilka hayay.

Dhinaca kale madaxweynaha cusub Siciid Deni ayaa isna munaasabada ka ballan qaaday in uu hawlihii dalka halkaa ka sii wadi doono,islamarkaana uu wax ka qaban doono shaqada dowladda ee hortaalla. Wuxuu intaasi raaciyay in uu mudnaanta kowaad siin doono bixinta mushaharaadka shaqaalaha iyo ciidamada dowladda.


Puntlandes.com

About The Author