Akhriso Madaxweynaha Puntland oo joojiyey in dhismo lagu sameeyo dhulka ay Dowladdu leedahay

14 Jan 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni ayaa maanta oo taariikhdu tahay 14 January 2019 joojiyey in dhismo lagu sameeyo dhulka ay Dowladdu leedahay ee ku yaalla magaalada Garoowe.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu caddeeyay, in madaxweynaha oo keliyah uu awood u leeyahay,bixinta dhulkaasi dowladda,waxaana mas’uuliyiinta warqaddan ku socoto la faray, in ay qabsadan waajibkooda shaqo.

Puntlandes.com

About The Author