Daawo Sawirro-Video: Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Madaxa Midowga Shirkadaha Shiinaha ee Africa.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15 January 2019 xafiiskiisa ku qaabiley madaxa midowga shirkadaha Shiinaha ee Africa Mr. Qian Xian iyo wafti la socdey.

kulankan uu Madaxweynaha Puntland la qaatay madaxa midowga shirkadaha Shiinaha ee Africa oo fadhigoodu yahay Ethopia Mr. Qian Xian iyo waftiga la socdey ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinayey saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Midowga shirkadaha Shiinaha ee Africa oo fadhigoodu yahay Ethopia ayaa madaxweynaha Dowladda Puntland kala hadlay maalgashi ganacsi oo ay doonayaan shirkadahaasi inay Puntland ka sameeyaan, isla’markaasna shirkadahaasi ay wada shaqayn wanaagsan oo dhinacyo badan taabanaysa ay ula yeelan lahaayeen Dowladda Puntland.

Dhinaca kale madaxa midowga shirkadaha Shiinaha ee Africa ee fadhigoodu yahay Ethopia Mr. Qian Xian ayaa Puntland ku amaanay horumarka iyo biseylka siyaasadeed ay gaaratay, waxaana uu tusaale u soo qaatay sidii ay u qabsoontay doorashadii ka qabsoontey Puntland 8 January 2019 iyo sidii hufnaanta lahayd ee madaxda Puntland ay shalay xilka ula kala wareegeen.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka duulaya horumarka iyo kobaca dhaqaalaha wadanka ayaa midowga shirkadaha Shiinaha ee Africa u sheegey in Puntland ay mar waliba diyaar la tahay sidii ay wada shaqayn dhow ula yeelan lahaayeen shirkadahaas.


Puntlandes.com

About The Author