Sawirro: Madaxweynaha Dowladda Puntland oo kormeeray Xaafiisyada Madaxtooyada Puntland ee Garowe

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta 15 January 2019 waxaa uu kormeer ku sameeyey xafiisyada Madaxtooyada Dowladda Puntland, oo ay ku sugnaayeen saraakiisha xafiisyada.

Madaxweynaha Puntland ayaa u kuurgalayey qaabka ay u shaqeeyaan xafiisayada iyo saraakiisha xafiisyaduba, isla markaana waxa uu korjoogtaynayey habsami u socodka qaab dhismeedka shaqda Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Dhinaca kale shaqaalaha xafiisyada Madaxtooyada Puntland ayaa Madaxweynaha ku qaabiley soo dhaweyn iyo qaabilaad laga dheehan karay farxad ay u qabaan madaxweynaha cusub ee Dowladda Puntland, isla’ ahaantaana waxay ka warbixiyeen qaabka ay u shaqeeyaan xafiisayadu.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaqaalaha xiifiisyada Madxtooyada Dowladda Puntland uga mahad naqay qaabilaada iyo soo dhaweynta wanaagsan,waxaana uu kula dar daarmay in shaqada ay u hayaan bulshada ay tahay shaqo qaran loogana baahan yahay dar-dar galin iyo masuuliyad adag.



Puntlandes.com

About The Author