Puntland oo xabsi daa’in iyo mid 10 sano ah ku riday 14 qof oo lagu eedeeyay Khayaano Qaran

Garoowe (Pes) Maxkamada darajada koowaad ee Gobolka Nugaal ayaa maanta xabsi daa’in iyo xukuno dhaadheer ku riday 14 qof oo reer Puntland kuwaas oo lagu eedeeyay inay yihiin Khiyaano Qaran. Dadkaasi kuma jiraan gacanta dowlada Puntland.

Xukunada dadkaan ayaa yimid kadib markii maanta maxkamada la horkeenay dacwado ku saabsanaa inay ka qeyb galeen dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah jiritaanka Puntland islamarkaana iyagoo adeegsanaya magaca waqooyiga gobolka Mudug ay sheegeen inay ka qeyb galayaan shirka maamul usamaynta gobolada dhexe.

Saddex kamid ah dadkaan oo uu ku jiro CabdiWeli Muuse Shirre Dhamuuke oo horey u ahaan jiray xildhibaan katirsan Puntland ayaa lagu riday xabsi daa’an halka 11 kalena lagu riday 10 sano oo xariga ah.

Go’aanka maxkamada waxaa ku dhawaaqay Axmed Salaad Maxamed oo katirsan garsoorayaasha maxkamada darajada ee gobolka Nugaal, kaaso goobta kaga dhawaaqay magacyada dadka la xukumay.

Dhinaca kale xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw-cusmaan oo saxaafada lahadlay kula xarunta maxkamada ayaa ciidamada faray inay gacanta kusoo dhigaan shakhsiyaadka xukunka lagu riday si ay u wajahaan ciqaabtooda dambi. Waxaa kaloo loo diagay kuwa ka shaqaynaya kala goynta Puntland.

Halkaan ka dhageyso codka xeer ilaaliyaha

 

 

Daawo Sawiradda

IMG_6808

IMG_6815

IMG_6816

IMG_6821

IMG_6827

IMG_6840

IMG_6847

IMG_6868

Puntlandes.com

About The Author