IGAD oo soo dhoweeysay magacaabista Xukuumada cusub, uguna baaqay Baarlamaanka inay ansixiyaan

Urur Goboleedka IGAD ayaa soo dhoweeyay magacaabista Xukuumada cusub ee Raysul Wasaare Cumar Cabdirashiid,Cali Sharmarke iyagoo sheegay inay la shaqeyn doonaan Xukuumada u cusub ee dhalatay Soomaaliya.

Danjiraha IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan xukuumadda cusub, ayna rajeynayaan inuu Baarlamaanka ansixiyo.

“Waa soo dhoweynayaa Xukuumada cusub ee uu soo magacaabay Raysul Wasaare Sharmarke, waana la shaqeyn doonaa, waxaa ka codsaneynaa Baarlamaanka inuu ansixiyo”ayuu yiri Danjire Afey oo la hadlay Idaacada VOA.

Amb. Afey ayaa sheegay in IGAD ay mar walba garab taagan tahay dowladnimada Soomaaliya sidii loo xoojin lahaa, isagoo xusay in Soomaaliya saldhig u aheyd aas aaska Urur Goboleedka IGAD.

Xukuumada Raysul Wasaare Sharmarke ayaa hortagaysa Baarlamaanka maalinta sabtida ah oo ay bishu tahay 17 ka.

Puntlandes.com

About The Author