Allaha u naxariisto Gen.Cabdulahi Cali Mire oo ku geeriyooday Garowe

Alle ha u naxariistee Gen.Cabdullaahi Cali Mire (Careys) oo kamid ahaa Saraakiishii Ciidanka Soomaaliya, horeyna usoo noqday Taliyiha Ciidanka Daraawiishta Puntland aya maanta ku geeriyooday magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Eebe Ha u raxmadee Gen Cabdulaahi Cali Mire ayaa lagu xasuustaa in uu ahaa shakhsi door wanaagsan kasoo ciyaaray arimaha amniga xiligii uu kamid ahaa Taliyaha ciidanka daraawiishta Puntland sidoo kalena kamid ahaa saraakiisha ciidamada Milatariga Soomaaliyeed.

Inaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun Allaha naxariistii jano haka waraabiyo marxuumka, samir iyo imaana haka siiyo eheladiisa.

About The Author