Sawiro: Cilmi Baaris ka hadlaysa nolosha dadka Barakacayaasha ah oo lagu soo bandhigay Bosaso

23 Jan 2019 (Puntlandes) Cilmi baarayaal ka socda jaamacada ku taala dalka Ingiriiska ayaa magaalada Bosaso ku soo bandhigay cilmi baaris ka hadlaysa nolosha dadka barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Bosaso.

Bandhiggga cilmi Baaristan oo ay ka qeybgaleen masuuliyiin uu ugu horeeyo duqa magaalada Bosaso Cabdi salaan Bashiir Cabdisalaan, qaar kamid ah gudiyada Barakacayaasha ee ka jira magaalada iyo khubaradii sameeyey cilmi baarista ayaa lagu soo bandhigay sooyaalka dadka barakacayaasha ah iyo waxa iska bedelay noloshooda sanadihii ugu dambeeyay.

Peter James oo ku hadlayay afka cilmi baarayaasha ayaa sharaxaad dheer ka bixiyay Taariikhda Barakacayaasha Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Bosaso,meelaha ay ka yimaadeen markii hore, dhibaatooyinka ay la kulmeen iyo heerka noloshooda taasoo ku xusan cilmi baarista ay ka sameeyeen barakacayaasha kunool magaalada Bosaso.

Duqa magaalada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo ka qeybgalay munaasabada ayaa bogaadiyay khubarada ka socotay dalka Ingiriiska ee sameysay cilmi baaristan waxaana uu sheegay in burburkii dowladnimada Soomaaliya kadib ay Bosaso martigelisay nolosha dad badan oo barakacayaal Soomaaliyeed ah isla markaana haatan qaarkood nolol iyo mustaqbal ku sameysteen magaalada.

Waa markii ugu horeysay oo cilmi baaris ceynka ah laga sameeyo nolosha dadka barakacayaasha ah ee kunool magaalada Bosaso waxaana xusid mudan inay magaalada ku nool yihiin kumanaan barakacayaal ah kuwaas oo nolol ku haysta kaamam ku yaala duleedka iyo gudaha magaalada.

Daawo sawirrada



Puntlandes.com

About The Author