Madaxweyne Farmaajo & Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo shir uga socda Garowe

27 Jan 2019 (Puntlandes) Madaxtooyada  dawladda ee Garowe ayaa kulan uga socdaa Madaxweynaha dowladda Federaalka iyo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada.

Kulankan ayaa ka dambeeyay, kaddib markii Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu quraac isugu keenay Madaxweynaha dowladda Federaalka iyo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada.

Xafladii xalay ee caleema saarka Madaxweyne Saciid Deni ayaa inteeda badan looga hadlay sidii meesha looga saari lahaa khilaafka, lana isku cafin lahaa, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu balan-qaaday wada shaqeyn dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Kulanka ayaa waxaa ku sugan Madaxweynayaasha Galmudug, Jubbaland, Koofur Galbeed, iyo Hirshabeelle, iyadoo la filayo marka uu kulanka soo dhamaado in laga soo saaro war murtiyeed.

Maamul goboleedyada ayaa bishii September ee sanadkii la soo dhaafay hakiyay wada shaqeyntii dowladda Federaalka, waxaana taas ay keentay in khilaafka dowladda Dhexe iyo dowlad Goboleedyada in heerkii ugu xumaa uu gaaro.

Puntlandes.com

 

About The Author