Daawo Video: Madaxweyne Deni oo Khudbadii Caleemosaarkiisa kaga hadlay waxyaabaha uu Qaban Doono

27 Jan 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay khudbad ka jeediyay Xafladii Caleemosaariisa ayaa ka hadlay waxyaabaha uu mudnaanta siin doono mudada uu xilka hayo.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa wuxuu xooga ku saaray waxyaabaha u qorshaysan ee uu mudnaanta siin doono ay ka mid yihiin tayaynta hay’adaha dowliga ah iyo dardargalinta hay’adaha bulshada  ee dhinaca siyaasada, amniga, dhaqaalaha iyo  midnimada

Wuxuu kaloo sheegay inuu taabo gelin doono saraynta sharciga iyo qanuunka, waxaa kaloo uu sheegay inuu dib u eegis ku samayn doono  tirada iyo tayada iyo xeerarka lagu asaasay hay’adaahi  si loo cadeeyo waajibaadkooda shaqo

Wuxuu tilmaamay in sida ugu dhaqsiyaha u badan uu Puntland uga hirgalin doono nidaamkii axsaabta badan si shacabku u soo doortaan hoggaamiyayaal ay la xisaabtami karaan. sidoo kale wuxuu sheegay inuu xooga saari doonaa la dagaalanka kooxaha alshabaab iyo Daacish.

Mar uu madaxweynuhu ka hadlay nidaamka federaalka waxaa uu sheegay in maamulkiisii uu door firfircoon ka qaadan doono hirgalinta nidaamka federaalka iyadoo la ilaalinayo maqaamka Puntland

Daawo khudbadda madxweynaha

Puntlandes.com

About The Author