Sawirro: Wasiirka waxbarashada DFS oo Garowe uga qeyb galay Bandhigga Todobaadka Hiddaha Dhaqanka & Aqoonta ee Jaamacadda Bosaso

27 Jan 2019 (Puntlandes) Wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Bare oo uu wehilyo Wasiirka waxbarashada & Tacliinta Sare ee dawladda Puntland ayaa magaaladda Garowe uga qeyb galay munaasabadda bandhigga Todobaadka Hiddaha, Dhaqanka iyo Aqoonta Jaamacadda Boosaaso, Faraceeda Garowe.

Wasiirka Waxbarashada dawladda Federaalka Cabdullaahi Goodax Bare ayaa soo dhaweeyay horamarinta bandhigga Todobaadka Hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee lagu qabtay Jaamacadda Boosaaso,

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Faderaalka  Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Bare ayaa tilmaamay in Wasaaradda waxbarashada ay ka go,antahay soo celinta Hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

 


Puntlandes.com

About The Author