Daawo Video-sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo kulan is-xogwaraysi ah la qaatay Madaxweynayaashi hore ee Soomaaliya & kuwa dawlad Goboleedyada dalka

27 Jan 2019 (Puntlandes)Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan wadatashi iyo is-xogwaraysi ah la qaatay Madaxda dawlad Goboleedyada dalka iyo madaxdii hore Soomaaliya, kaas oo diiradda lagu saarayey sidii looga wadashaqayn lahaa dib usoo celinta dawladnimo taam ah.

Kulanka ayaa waxa ka qayb galay Madaxweynayaashii hore ee dalka Mudane Xasan Sheekh iyo Mudane Sheekh Shariif, Ra’iisalwasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi.

Kulankan oo uu gogoshiisa dhigay Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa ka dambeeyay, kaddib markii uu quraac u sameeyay Madaxda ka qeyb gashay caleema saarkiisa.

Warar ku dhow dhow kulanka ayaa sheegay in kaftan iyo kala war qaadasho kaddib la isku afgartay labo qodob oo ay ka mid yihiin in la xaliyo khilaafka in shir labada dhinac isugu yimaadaan magaalada Muqdisho, iyadoo shirkaas xilliga la qabanayo uu ku dhawaaqi doono Madaxweyne Farmaajo.

Kulankan ayaa ahaa kii u horeeyay ee fool ka fool ah ee dhex mara Madaxweyne Farmaajo, Madaxda maamul goboleedyada iyo Madaxdii hore, iyadoo muddooyinkan ay jireen khilaaf u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo dhinac ah, iyo qaar ka mid ah Madaxdii hore oo iyagana dhaliilsanaa qaabka dowladdu wax u wado.


Puntlandes.com

About The Author