RW Kuxigeenka DFS “Siyaasiyiinta xanaaqsan mar walba waxba lama qaban ayay la soo taagan yihiin”

30 Jan 2019 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta Mucaaradka, isagoo u adeegsaday erayga Siyaasiyiinta Xanaaqsan oo horay u u adeegsaday Madaxweyne Farmaajo.

Mahdi  oo xalay ka hadlayay Munaasabad lagu soo bandhigayay Waxqabadka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in siyaasiyiinta aanay arkeyn wax badan oo la qabtay, kana war heyn horumarada dalka laga gaaray.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ayaa yiri “Waxqabadkii Gobolka Banaadir anaga waa aragnay, Culimadii waa arkeen, iyo dhamaan bulshada inteeda kale, mudane Guddoome waxaa soo jeedin lahaa inaa u soo bandhigtid niman saaxibadeen ah ayagana arkaan oo aan wax badan ka war heyn, mar walba la soo taagan waxba lama qaban, lama dhaqaaqin, qabyo waa halkeedii”
Daawo RW Kuxigeenka DFS Mahdi

Puntlandes.com

About The Author