Daawo Video-Sawirro: Madaxweynihii hore Soomaaliya Sheekh Shariif oo Xisbigiisa xafiis uga Garowe, kana wada halkaas kulamo isdabojoog ah

29 Jan 2019 (Puntlandes) Madaxweynihii hore Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed isla markaasna ah gudoomiyaha Xisbiga Himilo oo Caasimadda P untland ee garowe u yimid ka qaybgalka xafladii caleemasaarka madaxweynaha cusub ee Puntland Dr Siciid Cabdulaahi Deni ayaa Garowe Xafiis uga furay Xisbiga uu hogaamiyo ee Himilo inkastoo wali aan si official ah loo furin.

Sheekh Shariif ayaa waxaa ka mid ah dadka uu la kulmay madaxweynihii hore Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Isimo ay ka mid yihiin Islaan Ciise iyo Beeldaajaha Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, Siyaasiyiin, Waxgarad iyo aqoonyahano.

Xisbiga uu hogaamiyo Sheekh Shariif ayaa taageerayaal badan ku leh Garowe iyo guud ahaan Puntland, waxaana looga arkaa inuu yahay Xisbiga ugu macquulsan oo Soomaaliya gaarsiin kara Cadaalad, dawladnimo iyo horumar.

Daawo sidii diiranayd ee Madaxweyne Sheekh Shariif oo Garowe si heer sare ah loogu soo dhaweeyey.


Daawo Sheekh Shariif khudbad qiimo badan u jeediyey ardayda Jaamacada Bosaso ee Garowe

Dhanka kale Madaxweynihii hore Soomaaliya ayaa jaamacada PSU kaga qeyb galay Barnaamijka Aqoon iyo Is-arag, kaasoo loogaga hadlayey Doorka Dhalinyarada Aqoonyahanada ay ku leeyihiin dib udhiska Dalka.
Daawo qaar ka mid ah sawirrada kulamadii madxweyne Sheekh Shariif


Puntlandes.com

About The Author