Daawo video-sawirro: Madaxweynaha Puntland oo Madaxtooyada Garoowe Ku Qaabiley Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir

Madaxweynaha Dowladda Puntland Madane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta 31 Janaayo 2019 qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabiley Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Kulankan uu Madaxweynaha Puntland la qaatay Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa daaranaa salaan iyo is xog wareysi guud ee xaaladda dalka iyo sidii dalka loo gaarsiin lahaa hanaanka xisbiyada badan.
Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Madaxweynaha Puntland ugu hambalyeeyey guushii 08 January 2019, waxaana uu bogaadiyey horumarka balaaran ay Puntland gaartay.
Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo ka duulaya siyaasadda Puntland ee hanaanka xisbiyada badan iyo sidii Soomaaliya u gaari lahayd hal qof iyo hal cod ayaa soo dhoweeyey hirgelinta nidaamkaasi, waxaana uu bogaadiyey dedaalka lagu doonayo is bedelka dimuquraadiyadeed ee Soomaaliya ka socda gaar ahaan kan hogaanka xisbiga Wadajir.


Puntlandes.com

About The Author