Daawo Video-sawirro: Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Galkacyo kana warbixiyey kulamadii Garowe 

31 Jan 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf oo ka qayb galay Caleemo saarka Madaxweynaha cusub Puntland Saciid Cabdullahi Dani ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada  Gaalkacyo.

Madaxweynaha oo ka warbixiyay safarkiisa iyo waxyaabihii uga soo qabsoomay kulamadii isdaba jooga ahaa ee Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Madaxweynaha Soomaaliya ku dhax maray Magaalada Garowe ayaa shacabka reer Gaalkacyo u sheegay in rajo wanaagsan ay kasoo baxeen kulamadii Caleemo saarkii kadib ka dhacay Magaalada Garowe

Waxa uu sheegay in la isku fahmay in la wada shaqeeyo, Dowlada dhexena ay ogolaatay in ay la shaqeyso Dowlad Goboleedyada dalka lana xaliyo tabashooyinka ay qabaan Dowlad Goboleedyada isla markaana 20ka bisha Marso dib loogu laabto Magaalada Garowe si loo dhameysto wadahadalada loona xaliyo Tabashooyinka jira.
Daawo Xaaf oo sheegay in lagu heshiiyey xabad joojin


Puntlandes.com

About The Author