Madixii Mashruuca Ballaarinta Dekedda Boosaaso ee DP World oo La dilay

04 Feb 2019 (Puntlandes) Magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa lagu toogtey maamulihii shirkadda DP World Paul Formasa oo dhalashadiisu tahay wadanka Talyaaniga.

Nin hubaysan ayaa weerarka gaystay gacantana lagu hayo isaga oo dhaawac ah, waxaana ku dhaawacmay weerarka abo Askari iyo nin Hindi oo shaqaalaha shirkadda ka tirsan.

Dhinaca kale malayshiyaadka Alshabaab ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegtay mas’uuliyadda dilkaasi.

Mr Paul ayaa madax ka ahaa mashruuca P&O Ports ee shirkadda DP World u qaabilsanaa dhismaha iyo ballaarinta dekedda Bosaso.

Puntlandes.com

About The Author