Sawirro: Guddiga Dayactirka wadada Wadnaha ee Galkacyo oo Shirkadda Kebarco ku wareejiyay lacag dhan 70,000$

03 Feb 2019 (Puntlandes)Guddiga Dayactirka wadada Wadnaha e magaalada Gaalkacyo ayaa Shirkadda Kebarco oo dhisaysay wadadaas ku wareejiyay lacag dhan 70,000$.

Lacagta ayaa qayb ka noqonaysa heshiis lagu dhisayo Nus Kiilo Mitir (0.5 Km) laami ah, taas oo ay tahay lacagta ku baxaysa 90,000$.

Lacagahan lagu wareejiyay shirkadda ayaa ka kala yimid siyasiyiin, shirkaddo ganacsi, shaqsiyaad ganacsato ah, Shacabka iyo Shirkadda Kebarco.

Wareejinta lacagta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa duqa degmada Gaalkacyo Yaasiin Cabdiasamad iyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiqaadir Xuseen Nuur Dirir.

Guddiga ayaa guud ahaan ugu baaqay cid walba oo gacan ka gaysan karta inaan looga maarmin isku tashiga lagu dhisayo dalka.


Puntlandes.com

About The Author