Akhriso Madaxweynaha Puntland oo hakiyey qaabilaada shacabka qaybihiisa kala duwan

05 Feb 2019 (Puntlandes) Digreeto kasoo baxday xafiiska agaasimaha guud ee madaxtooyada Puntland ayaa lagu hakiyay qaabilaadii iyo booqashadii madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ilaa amar dambe.

Warqadda ayaa lagu wargeliyay agaasimayaasha madaxtooyada, golayaasha kala duwan ee dowlada iyo taliyaha ciidanka madaxtooyada ee Puntland in ay sida ugu dhakhsiyaha badan ku fuliyaan digreetadan.

Arintan ayaa u muuqata mid madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni uu ku xadidayo dhaqaaqa dadka doonaya in ay siyaabo kala duwan u booqdaan maadama dhawaan la rajaynayo in uu soo dhiso golaha xukuumadda cusub taasoo shakhsiyaad badan ay u hanqal taagayaan in ay kasoo dhex muuqdaan.

Akhriso qoraalka

Puntlandes.com

About The Author