Akhriso: Warqadda lagu casuumay waftiga dawladda Somalia ee shirka shidaalka London oo shaki weyn abuurtay

05 Feb 2019 (Puntlandes) Warqadda lagu casuumay waftiga dowladda Soomaaliya ee ka qeyb-galaya shirka shidaalka Soomaaliya ee London, ayaa abuurtay su’aalo la xiriira dhanka anshaxa iyo cidda shirkaas awoodiisa leh.

Qoraal ka soo baxay shirkada qaban qaabinaysa shirkaas ee Spectrum Geo Inc ayaa loo diray safaaradda UK ee Muqdisho, ayadoo waftiga dawladda Soomaaliya loogu codsanayo dal ku gal (Visas).

Si kastaba waxaa yaab leh in qoraalka ay shirkaddaas ku sheegtay inay ayada bixineyso oo ay mas’uul ka tahay qarashka ku baxaya safarka waftiga Soomaaliya, sida tikit-ka, hoteelka, gaadiika ay isticmaalaayaan inta ay London joogaan iyo waxyaabaha kale ee ay u baahan yihiin.

Adduunka kama dhacdo, oo marna lama ogola in wafti dal ka socda oo baxaya ama aadaya dal kale in qarashkiisa ay bixiso cid kale, sababtoo ah taasi waxay abuureysaa dhibaato dhinaca sharciga ah. Xitaa waftigii sidaas sameeya ee dal ka socda, haddii lagu ogaado waxay ku waayeen xilalkooda ama waa la maxkamadeeya.

Sababta sidaas loo yiri ayaa ah “Qof kasta qofkii bixinaya qarashka safarkiisa ayaa maamula”, sidaas darteedna lama ogola.

Waxaa sidoo kale tan ay abuureysa shaki ku saabsan in shirkan aysan dowladda gacanta ku hayn balse ay marti ku tahay, islamarkaana shirkadda ay shirka mas’uul ka tahay dowladdana wixii xaraashka kasoo baxa kaliya qayb ka helayso.

Akhriso qoraalka kasoo baxay Spectrum Geo Inc

Puntlandes.com

About The Author