Akhriso Guddiga Kheyraadka ee Aqalka Sare oo ka soo horjeestay Shirka Shidaalka ee London

06 Feb 2019 (Puntlandes)  Guddiga Kheyraadka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo gaadiidka ee  Aqalka Sare ayaa ka soo horjeestay shirka looga hadlayo Shidaalka ee maalinta berri ka dhacaya magaalada London ee dalka Ingiriiska.

War saxaafadeed ka soo baxay Guddigan ayaa lagu sheegay in shirka lagu XARAASHAAYO shidaalka Soomaaliya uu yahay mid aan waafaqsaneyn sharciga dalka.

Guddiga ayaa sheegay in aan weli laga ansixin Baarlamaanka Sharcigii Batroolka iyo shuruucdii lagu maamuli lahaa soo saarista kheyraadka dalka.

Puntlandes.com

About The Author