Xisbiga Himilo Qaran oo bayaan ka soo saaray Shirka Shidaalka Soomaaliya ee London

07 Feb 2019 (Puntlandes) Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa bayaan ka soo saaray shirka Shidaalka Soomaaliya ee maanta oo 7 February ka dhacaya magaalada London.

Bayaanka ka soo baxay Xisbiga Himilo Qaran ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay shirkaas oo ay soo abaabushay Shirkadda Spectrum, shirkan ayaa lagu daah furi doonaa bixinta shatiyo iyo iibinta xirmooyinka shidaal ee gaaray 50 Blocks oo ah dhul ku teedsan 173,000 KM

Xisbiga ayaa sheegay inuu weli qabyo yahay qodobka 44aad ee Dastuurka KMG ee ka hadlaya qeybsiga kheydraadka, isla markaana aan weli la taaba gelin heshiisyadii dhex maray dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada.

Inkastoo war saxaafadeedka Xisbiga Himilo Qaran uu soo daahay, hadana waxaa uu ugu baaqay dowladda Federaalka inay joojiso shirkaas illaa laga gaaro waqti ay dhameystiran yihiin dhammaan shuruucdii iyo xeer hoosaadyada, dalkana uu helo xirfadlayaal awood u leh arrimaha maareynta Shidaalka.


Puntlandes.com

About The Author