Waare oo isku shaandheyntii labaad ku sameeyay Golahiisa Wasiirada

07 Feb 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sameeyay isku shaandheyntii labaad muddo labo todobaad gudahood, xilli ay isa soo tarayaan cadaadis uu kala kulmay Xildhibaanada Baarlamaanka.

Magacaabida cusub Wasiirada, Wasiir kuxigeenada iyo Wasiiru dowlayaasha ayaa waxaa u badan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle, taasoo loo arko mid uu kaga hortagayo cadaadiska Baarlamaanka.

Xubnaha la magacaabay ayaa isugu jira 5 Wasiir, 4 wasiiru dowle iyo 6 Wasiir kuxigeen.

22-kii bishii Janaayo ee sanadkan ayay aheyd markii sidan oo kale uu Madaxweyne Waare u sameeyay Isku shaandheyn Golaha Wasiirada, kuwaasoo u badnaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle.

Puntlandes.com

About The Author