Howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka oo ka socda magaalada Boosaaso

09 Feb 2019 (Puntlandes) Saacadihii ugu dambeeyay ciidama amaanka ee magaalada Bosaso ayaa howlgalo lagu xaqiijinayo amniga waxa ay ka fuliyeen wadooyinka iyo xaafadaha ay ka kooban tahay magaaladaas.

Ciidamada howlgalada fulinayay oo u badan Booliis ayaa 48-dii saac ee lasoo dhaafay howlgal ku qab qabtay boqolaal dhalinyaro ah kuwaas oo la geeyay saldhigyada ku yaala gudaha magaalada iyadoona su’aalo la weydiinayo.

Dhawaan taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa shir jiraa’id oo uu qabtay waxa uu ku sheegay in ciidamo amaanka ay qaadayaan howlgalo lagu beegsanayo kooxaha kasoo horjeeda amaanka magaalada Bosaso ee mudooyinkii ugu dambeeyay dilalka ka geysanayay.

Si kastaba howlgaladan ay ciidamada amaanka ay ka fuliyanayaan Bosaso ayaa imaanaya mudooyinkii ugu dambeeyay dilal qorsheysan ay ka dhacayeen halkaas.

Sidoo kale howlgaladan wax ay kusoo aadayaan xili wax ka yar todobaad ka hor meel u dhow dekedda lagu dilay Maareeyihii dekedda Boosaaso u qaabilsanaa shirkadda P&O Port Paul Fermosa.

Puntlandes.com

About The Author